Dowladda Federalka oo dhaliishay doorashooyinka Somaliland kana hadashay qalad weyn oo ka dhacay

0

Wasiirada haweenka iyo xuquuqul Insaanka xukuumadda Federalka Soomaaliya Xanifa Xaabsade ayaa ka hadashay doorashooyinka Baarlamaani ee ka dhacay Somaliland oo Xildhibaanada lagu dooranayay.

Xanifa ayaa dhaliishay saami qeybsiga kuraasta iyadoo wax laga xumaado ku tilmaamtay in 99% ay rag ku soo baxeen oo dumar aan la dooran taa oo meesha ka saareysa xuquuqdii Haweenka ee Golaha Baarlamaanka.

Waxa ay wasiirada ku tilmaamatay doorashadaas mid ah Rag iyo Cod, waxeyna dalbatay in arrintaas baaritaan lagu sameeyo sidii ay u dhacday.

Hoos ka akhriso qoraalka wasiirada haweenka Soomaaliya.

Doorashada qof iyo codka ah ee Somaliland, 82 kursi oo Barlamanka loo tartamay hal dumar ah kama soo bixin  . Sidoo kale 221kursi oo golayaasha deegaanka ah haweenku keliya waxay heleen sadex  xildhiban deegaan!. Waxaa kadhacay doorasho rag iyo cod ah oo bulshada u dhamayn waxaa baariis u baahan arintaan waxa keenay ? Iyo sababta haweenka doorasha qof iyo cod saamayn uga yeelan waayeen .

Muqdisho-Somalia