Dood ka dhalatay in qalbi dhagax tego maalinta doorashada hoolka Afisiyooni

0

15-ka bishaan ayaa waxaa dhaceysa doorashada madaxweynaha soomaaliya oo ay kudhawaad 40 xubnood ay utaagan yihiin,iyadoo kulamo xoog leh ay socdaan.

Doorashada ayaana la sheegay in tartan ahaan ay wareega ugu horeeya ku hari karaan murashaxiin badan sida xogaha lagu ogaaday.

Codadka ay xildhibaanada heystaan kasokoow waxaa jira falsafad iyo is dhaarsi la sameenayo si codka meelo kale loo geynin.

Lacago badan ayaa lagu kala jiidanayaa codadka xildhibaanada balse waxa aan ka hadleynaa arin soo korortay oo ku aadan doorashada.

R/wasaare Rooble ayaa casuumaad ufidiyey halgamaa C/kiriin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo isagu ahaa mid Itoobiya loo dhiibay 2017-kii inkastoo markii dambe lasii daayey.

Qalbi dhagax ayaa lagu marti qaaday inuu ka qeyb galo maalinta doorashada madaxweynaha hangarka Afisiyooni ka dhaceysa.

Weli C/kiriin Muuse Qalbi dhagax ayaa loo qorsheeyey inuu furitaanka munaasabadahaasi uu aayadaha qur’aanka ka akhriyo halkaasi.

Xubno ka ag dhaw xafiiska farmaajo ayaa dood ka keenay in qalbi dhagax lagu marti qaado hoolka afisiyooni,balse taasi badelkeeda Rooble iyo Guddiga doroashada ayaa u ololeenaya inuu tego qalbi dhagax goobtaasi.

Qalbi dhagax ayaa aad uga soo horjeeda in farmaajo mar kale xukunka kusoo laabto,isagoo weli aan cafin qaladkii uu ka galay naftiisa iyo sharaftiisa maadaama itoobiya udhiibay,muwaadinkaasi oo ka mid ahaa saraakiishii jabhadii ONLF ee Itoobiya sanadaha badan la dagaalameysay.

Cabdikiriin Muuse Qalbi dhagax ayaa qeyb ka ah marti sharafta lagu marti qaaday inay goob joog ka noqdaan maalinta doorashada madaxweynaha la qabanayo iyadoo ay adag tahay in doorashada lagu shubto maadaama taleefoonada la diiday in meesha lala galo,taas oo ka dhigan in ololaha uu banaanka teendhada ku eg yahay.