Dolwadda Soomaaliya oo si kulul kaga hadashay kitaab Qur’aan ah oo lagu gubay Sweden

0
6

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay falka uu ku kacay nin xagjir ah oo dowladda Sweden u ogolaatay inuu safaarada Turkey horteeda ku gubo Kitaab kamid ah Qur’aanka Kariimka.

Falkan oo dhacay sabtidii 21-kii bishan ayey wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya si adag u cambaareysay, iyadoo dowladaasi ka dalbatay iney ka feejignaato ficilada noocan oo kale ah.

Qoraalka wasaarada oo afka ingiriiska ku qornaa ayaaa lagu sheegay inay tani ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah xurmada diimeed iyo daandaansi lagu hayo dareenka muslimiinta aduunka oo dhan

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa gebi ahaanba wax aan la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda wuxuuna u adeegaa xagjirnimada iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Si kastaba, Rasmus Paludan oo ah hoggaamiyaha xisbiga Stram Kurs (Hard Line) oo ay ilaalinayaan booliska Sweden ayaa falkan ku kacay bilowgii todobaadkan.

Muuqaalo iyo Sawirro laga qaaday dhacdadaasi ayaa abuurtay carro Caalami ah.

dowladda soomaaliya oo si kulul uga hadashay kitaab qur'aan ah oo lagu gubay sweden

Muqdisho-Somalia