Diyaarado dagaal oo duqeymo xoogan ku garaacay fariisinka ugu weyn Al-Shabaab [Khasaaraha]

0

Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan diyaarado dagaal oo aanna la ogeyn dala laga oo saacadihii lasoo dhaafay duqeymo xoogan ka geystay qaybo kamid ah koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarada dhanka ah cirka ah ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigyo iyo dagaalameyaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugan magaaladda Jilib, Saakow, Bu’aalle iyo Salagle ee gobolka Jubadda Dhexe.

Saraakiisha ammaanka ayaa tilmaamay in uu jiro khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey xubno Al-Shabaab ah, kuwaasi oo ay ku jiraan qaar ajaaniib ah, wallow aysan shaacin jinsiyadooda.

Gobolka Jubadda Dhexe ayaa la rumeysan yahay in ay tahay xarunta ugu balaaran Al-Shabaab ayna ku sugan yihiin horjoogeyaasha ururkaasi, isla markaana lagu tababaro dagaalameyaasha kooxdaasi.