Home WARARKA Diyaaradaha Mareynkanka oo Jubbooyinka ku duqeeyay Gaariga Ganacsade Somali caan ah

Diyaaradaha Mareynkanka oo Jubbooyinka ku duqeeyay Gaariga Ganacsade Somali caan ah

0
SHARE

Diyaaradaha Mareynkanka ayaa la sheegayaa in duhurnimadii maanta gaari ganacsade caan ah lahaa ay ku duqeeyeen deegaan ka tirsan Jubbooyinka,kaasi oo la sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn siyaasadda Soomaaliya.

Ganacsadaha gaarigiisa la beegsaday oo ka badbaaday duqeynta lagu doonayay in lagu khaarijiyo ayaa lagu magacaabaa Yacquub John, waana milkiilaha ceelka biyaha ee degmada Kamsuuma ee Jubbooyinka.

Warkaan oo laga baahiyay mid ka mid ah Idaacadaha Afka Al-Shabaab ku hadla ee Radi Alfurqaan ayaa lagu in Ganacsadaha isagoo shooksan uu sheegay inuu ka badbaaday duqeynta,balse faah faahin dheer dib ka bixin doono.

Wali Mareynkanka ma uusan ka hadlin Arrintaan lagu eedeynayo mana jira illo ka madax banaan Al-Shabaab oo warkaan xaqiijin kara.

Diyaaradaha Mareynkanka ayaa beegsada fariisimaha Al-Shabaab ee ku yaalo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE