Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeyn culus ka fuliyay Soomaaliya

0

Wararka aan ka heleyno deegaanada Ceel Waaq ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaas ay ka dhacday duqeyn culus gaar ahaan Tuulooyinka hoos imaada deegaankaaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Warqaad u sheegay in duqeyntaas ay muddo socotay islamakaana ay ka dambeyso dowladda Kenya waxaana fulinayay diyaaradaha dagaalka Kenya.

Lama oga sabbata rasmiga ah ee ciidamada Kenya duqeynta u fuliyeen balse xogo aan helnay ayaa sheegaya in Sirdoonka Kenya ay heleen in Al shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan gudaha magalada Nairobi islamarkana ay ka hor tagaan.

Goobaha sida gaarka lasheegay inay duqeentaasi kadhacday waxaa lagu magacaaba ,deegaanka Golgola Cali,buralaha samaroole ,iyo deegaanka Warbeele oo dhamaantooda ay hoos yimaadaan maamulka jubbaland .

Dadka deegaanka ayaa cabsi ween soo wajahday ,iyadoona dadka qaarkood ay bilaabeen inay kabarakacaan deegaanadooda ,maadaama ay sii xoogeysanayaan duqeymaha ay geesanayaan ciidamada kenya ee ku sugun Gobolka Gedo .

Muqdisho-Somalia

Abdiazizh99@gmail.com