Diyaarad ka dejisey galabta dhuuso mareeb Taliye Yaasiin Fareey oo ciidan wata

0

Wararka caawa naga soo gaaraya Magaalada Dhuuso mareeb ayaa sheegaya in galabta halkaasi diyaarad ay ka dejisey Agaasimaha KMG ah ee Hay’ada Sirdoonka & Nabad sugida Qaranka NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Fareey.

Socdaalka Yaasiin Fareey Ee Dhuuso mareeb ayaa kusoo beegmeysa Xilli si aad ah loo hadal hayey in uu doonayo in uu isku sharaxida kursiga Xildhibaanimo ee Summadiisu tahay #HOP067.

Arrinta ugu weyn ee Yaasiin Fareey caqabada ku noqon kartay ayaa aheyd in Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay ka taallo dacwad ka dhan isaga iyo xubno kale oo ay ka gudbisay Qaali Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil, taas oo sababi kartay in laga reebo gabi ahaanba tartanka kursiga uu hadda rabo in uu ku matalo dadkiisa.

Balse caawa maqribkii ayaa natiijo hordhac ah oo guddigii loo xilsaaray Kiiska Ikraan tahliil waxay shaaciyeen in natiijada lagu ogaaday in Yaasiin Fareey,Fahad Yaasiin iyo C/llaahi Kulane ka madax banaan yihiin maqnaashiyaha Kiiska Sargaal Ikraan oo la waayey.

Illo Xog-ogaal ah oo ka ag dhaw Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xaqiijiyay in soo bandhigista hordhaca ah ee kiiska Ikraan Tahliil uu gacan badan ka geystay Yaasiin Fareey oo u arkayay in haddii kiiskaas lala sii amusnaado ay isaga dhankiisa wax badan ku dhaafi kareen.