Home WARARKA Diyaarad Gaar Ah Oo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Maanta U Qaadeysa...

Diyaarad Gaar Ah Oo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Maanta U Qaadeysa Kismaayo {UJEEDKA}

0
SHARE

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Aqalka Sare Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxay maanta ku wajahan Ee Magaalada Kismaayo.

Cabdi Xaashi waxa uu sheegya inay Kismaayo utegayaan la kulanka Madaxda Dawlad Gobolleedka Jubbaland islamarkaana ay Arimo badan kala hadli doonaan.

Xubno katirsan Golaha Senet-ka Soomaaliya ayaa socdaalkiisa Gudoomiyaha ka qeyb noqonaya iyadoo Qadiyada Khilaafka Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada ay Utegayaan Kismaayo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay inay wadaan dar dar gelinta dhameynta Xiisada Siyaasadeed Ee Dawlada Federaalka & Maamul Gobolleedyada Muddooyinkii dambe ka dhex jiray.

Gudoomiyaha Gudiga Aqalka Sare u xilsaareen Xalinta Khilaafaadka Maamul Gobolleedyada iyo Madaxda Dawlada C/raxmaan Faroole oo maalmo ka hor hadlay waxa uu sheegay in la xaliyey khilaafkii jiray badankiis.

Waxay Golaha Aqalka Sare sheegeen inay ku rajo weyn yihiin sidii loo dhameyn lahaa,inta yar Ee Dhiman Khilaafkaasi.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE