Digniin culus oo loo diray ganacsatada Al shabaab siiya Lacagaha baada ah

0

Guddomiyaha gobolka Mudug ee maamulka PuntlandCabdilatiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in ganacsatada magaalada Gaalkacyo ay ka doonayaan inay qeyb ka noqdaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, isagoo ugu hanjabay ganacsadihii lacago baad ah siiya Al-shabaab ay tallaabo ka qaadayaan.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in ay xidddada u siibeen shabakaddii Shabaab u qaabilsaneyd magaalada Gaalkacyo taas baddalkeedana ganacsatada looga baahan yahay inay ka digtoonaadaan u hogaansanaanta awaamiirtooda.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in amniga uu kororay isamarkana ay taageeraan ciidanka xoogga dalka iyo maamulka Gaalkacayo isagoo xusay in Shabaabka baadooda ay tahay mid sharci darro ah.

Waxa uu dhanka kale xusay in ganacsatada looga baahanyahay iney qeyb ka qaataan dib u xureynta Al shaabab ee deegaanada ay joogaan islamarkaana halganka ay ku biiraan ganacsatada.

“ Ganacsatada ayaa waxa ay noqdeen kuwa simay Al shabaab iyo hay’adihii dowladda, waxaa dambi ah iney Al shabaab ka qabtaan taleefoonka ama ay wada xiriiraan ganacsadihii taas nala fahmi waayo wadada saxda ah ayaa lagu tuusinaa” ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Mudug.

Waxa uu intaa ku daray in Al shaabab ay ka xureeyeen deegaanka islamarkana ay sii wadi doonaan, isagoo xusay ineysan jirin Shabaab laga cabsado oo ay tahay in awaamiirta loo hagaansamo.