War Murtiyeedka shirkii Gudiyadii Farsamo ee Baydho iyo heshiiyadii ay gaareen oo la soo bandhigay

0

Waxaa Shabakadda Warqaad ay dib kuu xasuusineysaa  in Guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku shiray Baydhabo iney kal hore shaaciyeen in xal laga gaaray qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashada oo ka dhacay magaalada Baydhabo 15-16-kii February 2021 iyo heshiisyadii ay kala saxiixdeen.

Guddiyada ayaa ka kala socday dhamaan maamul goboleedyada iyo Gobalka Banaadir  waxaana loo xil saaray ka shaqaynta sidii xal farsamo loogu heli lahaa caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskii 17 September 2020 ee qabsoomidda Doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Farsamada ayaa si qoto dheer uga dooday sidii Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Federaalka ay ku qabsoomi lahayd muddo cayiman, si gaar ahna Guddigu waxay dood dheer iyo hogo-tusaalayn ka yeesheen tubta xal u helista caqabadaha qabsoomidda Doorashada iyo gaar ahaan fulinta heshiiskii 17 September 2020 lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu. Guddigu waxay diiradda saareen in ay xal farsamo ka diyaariyaan dhamaan qodobada khilaafku ka jiro si ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ugu sahlaan in ay is afgarad ka yeeshaan qabsoomidda doorashada Dalka.

Qodobada Shirka Guddiga Farsamada ay si adag ugu doodeen ayaa kala ah:

  1. Cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer

(SlElT iyo FtEtT)

  1. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland
  2. Khilaafka Gobolka Gedo
  3. Hirgelinta Qoondada Haweenka
  4. Jadwalka cusub ee qabsoomidda Doorashada

Guji linkiga hoose oo akhriso  Heshiiska ay gaareen oo dhameystiran  oo ay ku saxiixanyihiin dhamaan xubnaha kala matalaya Dowladda Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Muqdisho-Somalia