Dhoobo daareed oo shaaciyay sababta uu kaga soo cararay Puntland & cida soo Ceyrisay

0

Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhooba-Daareed) oo khamiistii todobaadkii ay hore ay xildhibaanada baarlamaanka Puntland sheegeen in ay ka qaadeen xilka gudoomiye-nimada golaha ayaa hadal uu maanta ka jeediyey kulan wadatashi ah oo uu la yeeshay dadka deegaan doorashadiisa, wuxuu ka hadlay xaaladdaha siyaasadda.

Dhooba-Daareed ayaa ku dheeraaday Midnimada Puntland, sida ay waajibka u tahay, in la wada dhistay maamulka iyo in waxyaabaha dhacay oo dhan ay yihiin kuwa kasoo horjeeda ujeedooyinkii loo dhistay maamulkaas.

Wuxuu soo qaaday arrimihii dhacay, isagoo sheegay in lagu soo qaaday duulaan qorsheysan oo uu sheegay in ujeedada loogu soo qaaday ay ahayd in la waayo la xisaabtam Hay`addaha dawladda.

Gudoomiyihii baarlamaanka ayaa ku eedeeyey Madaxtooyada in ay doonaysay in aan waxba lala xisaabtamin oo wax kasta oo dhaca horey looga gudbo, taasna aysan aheyn wixii lagu heshiiyey.

Sidaas oo kale, wuxuu ku eedeeyey in ay doonaysay Madaxtooyada in ay wadato ujeedooyin gaar ah, marar badana lagu dayay lacag iyo laaluush balse uu iska diiday, isagoo sheegay in uu u dhaartay dalka ee uusan dantiisa gaarka ah u maqneyn.

Dadka ayuu ku dhiirigaliyey in la helo shirweyne guud oo looga tashanaya arrimaha ka dhacay Garoowe, isagoo sheegay in la kala sheegtay caasumaddii Puntland, ayna u muuqato in Puntland loo baahan yahay in laga badbaadiyo waxa ugu yeeray koox dusha saaratay.

Hadalkiisan, wuxuu ku soo beegmayaa xili ay dhawaan ay dhacday weerar lagu qaaday baarlamaanka Puntland, ayna ku dhinteen 4 qof oo katirsanaa Shacabka iyo laamaha Ammaanka ee maamulkaas, waxaana muuqatay in dhacdadaas ay noqotay mid saameyn ku yeelanaysa deegaanadaas.