Home RA’YIGA Dhibaatooyin Badan Oo Ku Hoos Jira In La Sameeyo Xilligaan Lacag Cusub...

Dhibaatooyin Badan Oo Ku Hoos Jira In La Sameeyo Xilligaan Lacag Cusub Soomaaliya

0
SHARE

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay lacag cusub daabacdo. Horraantii bishii Juun ee sanadkan 2018, Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay naqshado 5,000 iyo 10,000 Shillin Soomaali cusub ah. Shir jaraa’id ee uu qabtay guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya dhamaadkii bishii Juun ee 2018 ayaa lagu sii caddeeyay inta ay ka koobnaan doonto lacagta cusub. Guddoomiyaha waxa uu sheegay in lacagta ay ka koobnaan doonto 1,000, 2,000, 5,000 iyo 10,000 Shillin Soomaali.

Waxaa la aaminsan yahay in lacagta Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-habeyn dhowr sabab awgood. Ugu horreyntii, Shillin Soomaaliga hadda jiraa malaha astaamihii aasaasiga ahaa ee lacagta. Shillinku ma aha mid qeybsama, Soomaaliya waxaa ay leedahay 1,000 shillin oo kaliya (23,000 oo Shillin Soomaali ah waxa ay u dhigantaa 1 doollar). Lacagta sidoo kale ma ahan mid si fudud loo qaadi karo sababtoo ah qiimaha Shilin Soomaaliga aad buu u hooseeyaa. Tusaale ahaan, $50 waxa lagu sarrifaa $1,250,000 Shillin Soomaali ah mana sahlana in jeebka lagu qaato. Shilin Soomaaliga oo aan qeybsameynin iyo in aanu ahayn mid ay fududdahay in la qaado ayaa sababtay in ganacsigii Soomaaliya la doolareeyo (iyadoo la isticmaalayo mobeellada oo lagu qaato lacagta). Sababtan awgeed, 1,000-ka shillin waa mid aad usii dhamaanaya, haddaan lasoo uruurin laguna beddelin shilin cusub, sannado kadib waa la weyn donnaa. Midda labaad, maamulka daabacaadda lacagta ma ahan mid ay dowladda dhexe gacanta ku heyso sida uu xusayo dastuurka Kumeelgaarka Soomaliya. Maamul goboleedyada qaar iyo ganacsato ayaa leh makiinado lacago daabaca, Dowladda Federaalka Soomaaliyana awood badan kuma laha xakameynta lacagta suuqa ku jirta. Midda saddexaad, ganacsigii oo la doolareeyay waxa uu culeys ku kordhiyay qoysaskii saboolka ahaa iyo ganacsiyada yaryar, sababtoo ah ma awoodaan in ay doolar ku iibsadaan waxyaabaha aasaasiga ah. Sababahan awgood, daabicidda lacag cusub ayna adagtahay in iyadoo kale lasoo daaboco aad ayay muhiim ugu tahay Soomaliya.

Caqabadaha ugu waaweyn

Markii ay Soomaaliya codsatay caawinaad caalami ah si ay u daabacdo lacago cusub, dalka Suudaan ayaa bixiyey lacagta waxaana Soomaaliya loo daabacay balaayiin lacago cusub ah sanadkii 2011-dii. Si kastaba ha ahaatee, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dhaqaalaha ee caalamiga ah sida Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ayaa ka-hor-yimid in lacagahaasi lagusoo fasaxo suuqyada dalka, lacagtiina Soomaaliya loomasoo qaadin.

Inkastoo natiijooyinkii ugu dambeeyay ee barnaamijka kormeerka shaqaalaha ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ay ahaayeen kuwo dhiirrigelin leh, haddana caqabadihii xagal daaciyay qorshihii sanadkii 2011-dii lacagta cusub lagu sameynayey weli waa ay taagan yihiin. Caqabadaha soo wajahaya lacagta cusub ee la qorsheynayo in la daaboco waxa ay isugu jiraan kuwo siyaasadeed kuwo amni iyo kuwo maamul.

Ugu horeyn, in Shilin Soomaaliga la beddelo waxa ay u baahan tahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro. Marka la eego xiriirrada aan xoogganeyn ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, qaar ka mid ah maamul goboleedyada — gaar ahaan kuwa leh makiinadaha daabaca lacagta — waxa ay kasoo horjeesan karaan go’aanka dowladda federaalka ee ah in la daabaco lacag cusub. Tanina waxa ay abuuri kartaa xasarad siyaasadeed oo hor leh.

Soomaaliland, oo iyadu ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-dii, waxa ay leedahay shilin Soomaliland ugaar ah, bangi dhexe iyo nidaam maaliyadeed. Maqaamka Soomaaliland ayadoo aan la caddeynin, lacagta cusub ma laga isticmaali doono Soomaaliland. Waxa sidoo kale loo micneyn karaa in ay Dowladda Federaalka si dadban u oggolaantay madaxbannaanida Soomaaliland. Xaqiiqooyinkan siyaasadeed ayaa noqon doona caqabado waaweyn ee wajaha daabicidda lacagta cusub.

Midda labaad, amniga ayaa isagana ah culeys kale oo ay lacagta cusub wajaheyso. Dowladda Federaalka dalka oo dhan ma maamusho. Waxa ay u badan tahay in lacagta cusub aanan laga oggolaan doonin dhulka ay al-Shabaab ka taliyaan, waxa ayna uga digi karaan ganacsatada iyo bulshada guud ahaan in ay isticmaalaan lacagta cusub si lamid ah sidii ay ku sameeyeen Beledweyne bishii Luulyo ee sanadkii tegay markii ay lacago been abuur ah soo galeen magaalada.

Midda saddexaad, awoodda Bangiga Dhexe ee Soomaalia ayaa ah mid liidata. Awoodda shaqaale iyo sharci ee Bangiga Dhexe waa ay xaddidan tahay. Bangiga weli ma muujinin awood uu ku maareeyo bagiyada ganacsiga. Xaqiiqda ah in Wasaaradda Maaliyadda ay kaalin firfircoon ka qaadaneyso arrimaha lacagta cusub ayaa muujineysa tabarta Bangiga Dhexe. Bangiga kuma laha xarumo gobollada mana lahan awood uu ku maamulo qulqulka lacagaha.

Midda afaraad, daabicidda lacag cusub waxa ay u baahan tahay maalgelin. Malaayiin doolar ayaa loo baahan yahay (qiyaastii 50 malyan oo doolar) in lagu maagaliyo daabicida lacag ku filan dalka. Wadarta guud ee miisaaniyadda sanadkan 2018 ee dowladda federaalka ayaa ah $274 million. Soomaaliya ma awooddo in ay lacagahaasi bixiso. Haddii xitaa lacag loo helo daabacaadda lacagta cusub, maalgelin dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo yareeyo khatarta sicir barar ee ka imaan karta lacata cusub ee suuqa la gelinayo.

Maxaa habboon in la sameeyo?

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu bogaadiyaa dadaalka dheeraadka ah oo ay ku bixineyso sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka maaliyadeed. Balse waa in aanay ku degdegin go’aanka ah in lacag cusub la daabaco. Dowladda Federaalka waa in ay saddexdan arrimood xoogga saartaa.

Midda koowaad, dowladdu waa in ay xoojisaa awoodna siisaa Bangiga Dhexe ee Soomaaaliya. Waa in mudnaan la siiyaa dhisidda sumcadda iyo kalsoonida Bangiga Dhexe. Bangi Dhexe oo awood iyo qorshe cad oo maaliyadeed leh iyo awood uu ku hirgeliyo qorshayaalkiisa waxa ay u sahli kartaa dowladda in ay shacabku aaminaan. Sidoo kale, Bangi dhexe waa in uu yeeshaa awood u suuragelisa in uu xakameeyo lacagaha mobeelada wax loogu kala iibsan karo.

Midda labaad, dowladda waa in ay muujisaa in ay sugi karto amniga, iyo in ay ka hirgelin karto go’aamadeeda iyo siyaasadeeda gebi ahaanba dalka. Dowlad Federaal oo aanan joogin meel ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee dalka ma ahan in ay lacag soo daabacdo suuqyadana kusoo deyso, ama ay abuurto in labo lacag suuqa ku wada jiraan taasoo sii xumeyn karta dhaqaalaha dalka. In la hagaajiyo amniga lana xoojiyo xiriirka wada shaqeyn ee u dhexeeya laamaha amniga dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka horreysa in la beddelo lacagta.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka waa in ay mudnaan siisaa sidii heshiis siyaasadeed iyo xiriir wadashaqeyn wanaagsan ula yeelan lahayd maamul goboleedyada iyo Soomaaliland. Hannaanka dib-u-eegista dastuurka oo laga dhigo mid loo wada dhan yahay ayaa noqon karta meel heshiiskaas siyaasadeed laga bilaabo.

W/Q: Somali Public Agenda.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE