Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo caawa ka jira Muqdisho iyo ciidamada oo ishor fadhiya

0

Gobihii Ganacsiga oo iskugu jiro Maqayaddo, Dukaamo iyo goobo Caafimaad oo ku yaalla aagga waddada Dabka ilaa iyo sayidka ee  Muqdisho ayaa dhammaan la xiray.

U jeedka ganacsiyadaas iyo isku socodka gawaarida loo joojiyay ayaa ah cabsi laga qabo in caawa halkaas uu dagaal ka dhaco maadaama dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iskasoo horjeeda ay halkaas ka socdaan.

Taliska Booliiska G.Banaadir Farxaan Qaroole iyo Taliye ku xigeenka Booliska  Kaniif ayaa horkacaya abaabulka Ciidan ee Muqdisho ka socda, kaas oo la doonayo in lagu weeraro Ciidamada Badbaado Qaran.

Xogaha Qaar ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Biixi oo ku hayb ah ay amreen in baabuurtii maanta goosatay oo ay HARAMCAD lahayeen haddi aan lasoo furan gawaari fara badan iyo Ciidan ay u gacan geli doonnaan ciidamadaas, Xilli Taliye ku xigeenkii Ciidanka HARAMCAD uu ku biiray Ciidanka Badbaado Qaran maanta isagoo wata ciidan iyo hub farabadan.

Xaaladda ayaa ilaa iyo hadda dagan walow ilaa iyo imika lasoo sheegayo in ciidanka ay is hor fadhiyaan oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan.

Muqdisho-Somalia