Xaalada ayaa hadda yara deggan marka loo eego sida ay aheyd Saacado ka hor Isgoyska Howlwadaag Ee Magaalada Muqdisho OO Banaanbaxyo Rabshado watay ay ka dhacayeen.

Saaka ayaa askari katirsan Ciidanka Booliska uu dilay Darawal Bajaajle iyo Abtigiis oo Mootada saarnaa weliba Abtigiis inuu cusbitaal usocday ayaa la sheegay.

Marxuumka la dilay ayaa isku dayey inuu raadsado wado uu maro balse Askariga ayey Is af garan waayeen sidaas ayaana rasaas loogu shanaqay isla goobta ayuuna ku quur baxay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa waxa uu ka hadlay Banaanbaxa Ka Dhacay Muqdisho.

Duqa Xamar waxa uu sheegay in lagu raad joogo Askariga dilka Geystay isagoo la hadlay Boqolaal Bajaajleey Banaanbax sameenayey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.