DHAGEYSO: Xisbiga Mukhtaar Rooboow Oo War Culus Ka Helay Xaliimo Yareey

0

Xisbiga uu hogaamiyo Maxbuuska Sanadka ka badan Ku Xiran Muqdisho Mukhtaar Rooboow Cali Abu Mansuur ayaa dhawaan hogaankiisa waxay sheegeen in Gudiga Madaxa Banaan Ee Qaranka ay hor istaag kusameeyeen.

Xubnaha Xisbigaas waxay sheegeen in loo diiday diin waan gelin ay doonayeen Xisbigooda ayna taas wax laga xumaado ku sheegeen.

Mukhtaar Rooboow Xisbigiisa ayaa hadda waxay sheegeen inay doonayaan inay ka qeyb galaan Doorashada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan Doorashada Soomaaliya Xaliimo Yareey ayaa waxay sheegtay in si gaar ah loo ficlin oo diidmo gaar ah Xisbiga Rooboow lagu sameynin.

Waxay sheegtay inay Xaq u leeyihiin Xisbigaasi iyo kuwa kaleba inay helaan diin waan gelin si ay Siyaasada iyo Doorashada Qaranka uga qeyb galaan balse ay Baaritaan ku sameeyaan ka hor diin waan gelinta Xisbiyada.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA