DHAGEYSO: Xildhibaano Go’aan sii cakiran kara Xaalka shirka Muqdisho soo saaray

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay shaaciyeen inaysan sharci noqon doonin heshiis kasta oo ay gaaraan Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo uu shirka uga socdo Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaannada oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxda Shireysa looga baahan yahay in wax uun ay ku daraan qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 ee la xiriiray Arrimaah doorashooyinka si u fududaado in heshiis la wada gaaro.

Xildhibaannada waxaa ay sheegeen inay nasiib darro tahay in wada-hadal hal Maaln go’aan looga gaari karo in muddo sanad ah Shacabka Soomaaliyeed waqtiga looga dhumiyo,waxaana ay sheegeen in ay Madaxweyne farmaajo ka doonayaan balan qaadkii ahaa in uu Golaha Shacabka kusoo celin doono heshiiska uu la gaaro Madaxda Dowlad goboleedyada.

Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa Maalintii Afaraad ka socda Shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.