DHAGEYSO: Xildhibaan Ka Digay Halis Ka Dhalan Karta Arin Galmudug Shaacisey

0

Tan iyo markii ay soo if baxday in Guriceel iyo Dhuuso mareeb laga musaafurinayo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa waxa ka dhashay Fal celin xoog leh.

Dadka waxay ku tilmaameen in go’aankaasi ahaa mid ay Galmudug ku fududaatay inay sidaasi sameyso.

Hore sidaan oo kale Dad Deegaanada Koonfur galbeed Soomaaliya looga soo tarxiilay Deegaano katirsan Maamulka Puntland.

Xildhibaan Ilyaas Cabdi Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Dawlad Gobolleedka Koonfur galbeed ayaa si kulul uga hor yimid arinta ay Galmudug kaga dhawaaqday labada Magaalo.

Waxa uu ku sheegay falkaasi hadii la fuliyo mid Soomaalinimada jiritaankeeda wax hore udhacay aheyn iyo dhaqanka Dadkeena uu lahaa.

Xildhibaanka waxa uu walaac ka muujiyey in la sameeyo kala xadeyn Dhulka Soomaaliyeed ah,ayna tahay Khalad in sidaas lagu dhaqmo sida uu warka udhigay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA