Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho kaas oo Xildhibaanada loo siiyey inay ka doodaan Amniga dalka ee faraha kasii baxayey.

Mudanayaasha hadlay badankood waxay qireen in Amniga uu xumaaday cid isku howshana ay jirin sidii Amniga loo sugi lahaa.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid aheyd Xildhibaanadii ka hadlay kulanka waxay soo bandhigtay Qiso naxdin laheyd taas oo khamiistii dhaweyd ay sheegtay inay aragtay Hooyo Soomaaliyeed oo wadada qarkeeda ku dhaleysa markii ay weysay waddo ay marto cusbitaal ay aadi laheyd.

Wasiirkii hore Ee Arimaha Dibada Soomaaliya Marwo Fowsiya Xaaji Aadan waxay cod dheer ku sheegtay in Xamar ay Afar Qeyb kala noqotay oo dadkii ay dhib qabaan hadana weli ay Qaraxyada iyo Amni darada dhacayaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.