DHAGEYSO: Xildhibaan Dhaliilay Gudiga Qaran Ee Gurmadka Fatahaadaha

0

Xildhibaan C/risaaq Maxamed Jinde oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabka Dawlada uwajaheyso Gurmadka Dadka ay Fatahaada saameysay.

Waxa uu sheegay in sidii la rabay aan loogu caawin dadka ay Fatahaada saameysay Deegaano katirsan Gobolka Hiiraan,si gaar ahna Xukuumada Ra’iisal Wasaare Kheyre hogaamiyo ayuu Eedeyn ujeediyey.

Xildhibaan Jinde oo ka mid ah Xubnaha sida weyn u dhaleeceeya Falsafada Madaxda Dawlada Dhexe ayaa laga soo doortaa Deegaan ahaan Jubbaland.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli meelo ka mid ah Gobollada Dalka uu daadad webiyada Jubba iyo Shabelle ka sameeyeen oo qoysas badan Saameyn ku yeesheen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA