DHAGEYSO: Xil. Odawaa Oo Kashifay Qorshaha Mucaaradka Ee Doorashada

0

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawa ayaa ka hadlay Xafladii Soo dhaweynta C/kiriin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Dawladu sida ay Doorashooyinkii Maamul Gobolleedyada qaar ugu guuleysatay aysan mida Qaranka ufududaan doonin.

Odawaa ayaa sheegay in C/kiriin Guuleed uu yahay Rugcadaa siyaasadeed hiilna laga rabo in Qorshaha la damacsan yahay dhinac ka istaago joojintiisa.

Waxa uu Xildhibaan C/raxmaan Odawaa soo hal qabsaday sida ay Villa Soomaaliya Mucaaradka ugu dhabar jebisey Doorashooyinkii Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Kii udambeeyey HirShabelle balse uu sheegay mida Federaalka xoog la isku geyn doono.

Murashaxiinta iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa gacmo isqabsi sameynaya si ay ubaajiyaan in Farmaajo mar kale Madaxweynaha Dalka ku guuleysto.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA