DHAGEYSO: Xil. Jeesoow “Illaahaa Ku Mahadsan In Jimcihii Kheyre Dhiman”

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa uu ka fal celiyey Khudbadii Xalay uu jeediyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu Jeesoow ugu horeyn ka hadlay in Deni Hadalkiisa u muuqday mid uu kasoo horjeedo Dawladnimada Soomaaliya iyo Ciidanka la dhisay.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ka mid yahay xubnaha aadka utaageera Dawlada Nabad iyo Nolol isagoo dhaleeceeyey inuu Qaranimada Soomaaliya kasoo horjeedo Siciid Deni.

Mar uu soo hadal qaadya Xildhibaan Jeesoow Rasaastii lagu furay Murashaxiin uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaarihii Hore Xasan Cali Kheyre Maalintii Jimcaha aheyd ayuu ku sheegay wax laga xumaado midaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA