DHAGEYSO: Xasan Sheekhoow naga jooji ficiltanka,sida waxa yiri…

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya dhaliil xooggan oo kaga imaanaya qaar ka mid ah beelaha kuwaas oo ku dhegan sida loo gacan bidixeeyey xilalkii ay mudnaayeen.

Afhayeenkii hore ee Gobolka Banaadir Cali Maxamuud (Seeko) oo wareysi bixiyey ayaa sheegay in beesha uu kasoo jeedo Ee Saruur la duudsiiyey xaqii ay mudnaayeen.

Cali Seeko ayaa sheegay in si gaar ah ula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii uu xilka yimaadaba ay waayaan jagooyinkii beesha ay xaqa ulaheyd.

Siyaasi Cali Seeko ayaa cod dheer ku sheegay in wax lala yaabo tahay in Degmo ay Gobolka Banaadir heysan jireen la tir tiray islamarkaana ay waayeen xilal kale oo Ciidamada iyo Hogaanka Gobolka Banaadir ay ku magacaabnaayeen markii hore.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA