DHAGEYSO: Xasan Sheekh Oo Hadal Adag Ku Yiri MD Farmaajo

0

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu galabta shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho si kulul uga hadlay hanaanka dalka ay Villa Soomaaliya ku xukumeyso.

Waxa uu ku Eedeeyey Madaxweyne Farmaajo in uu ku xad gudbay Dastuurkii Dalka uyaallay islamarkaana ay sharci daro tahay arimaha la xiriira qaabka xilalka loo magacabay.

Maqnaashiyaha Ra’iisal wasaare Dalka yeesho muddo bil ka badan,ku tumasho Dastuur iyo arimo kale ayuu ku sheegay in Farmaajo istcimaalayo iyo awood ku tagrifal ah dhinaca Xukunka.

Xildhibaan Sharafeedka Golaha Shacabka Soomaaliya Katirsan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Doorashada oo xilligeeda in laga dib dhigo dareemayaan iyo Muddo kororsi la rabo.

Waxay Madasha Xisbiyada Qaran sheegeen in shaqada xukuumada xil gaarsiinta ah ay tahay mid aan sax aheyn iyadoo xubnahaasi waxay meel mariyaan aysan sax aheyn.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA