Home WARARKA DHAGEYSO: Xarun Al shabaab Tababarka ku bixin jireen oo Gantaalo lagu Garaacay

DHAGEYSO: Xarun Al shabaab Tababarka ku bixin jireen oo Gantaalo lagu Garaacay

0
SHARE

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe, ayaa  sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo la beegsadeen saldhig dagaalamayaasha  Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulado lagu magacaabo Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolka jubada dhexe.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Tuulada Xasan Kuusow oo Duqeyntan ka dhacay ay u  dhaxeyso Degaanada Jawaari iyo Raaxoole oo ka tirsan  Jubbada Dhexe.

Ilaa iyo hada inta ogyahay hal gaari oo xamuul ah,ayaa goobtaasi ku baa’bay,iyadoona halka la duqeeyay ay tahay xarun ay dagaalamayasha Al-Shabaab wax ku barayeen dhalin yarada  degaanka ee degan tuulada Xasan Kuusow.

Diyaaradaha duqeynta geystay ayaa waxaa la sheegay in laga leeyahay dalka Kenya.

Hayeeshee Dowlada Kenya weli kama hadlin duqeynta ka dhacday tuulada Xasan Kuusow ee gobalka Jubada dhexe.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE