Dhageyso: Xaalad deg deg ah Oo ka jirta Caasimada HirShabelle Ee Jowhar

0

Wasiirka Beeraha HirShabelle Maxamed Cumar Ceymooy ayaa waxa uu ka hadlay daadad ka dhashay fatahaad webiga Shabelle dhawaan ka sameeyey Qeybo ka mid ah Gobolka Sh/Dhexe.

Wasiirka ayaa Xalaad deg deg ah ku tilmaamay Arintaan,maadaama xilligii webiga karkaarada inuu jebin karo la filayey uu kasoo hormaray dhibaatana uu gaarsiiyey dallagii la abuuray Fasalkaan.

Wasiirka Beeraha HirShabelle ayaa codsi udiray dadka reer HirShabelle si ay isku caawiyaan ugana bad baadaan mar kale Fatahaad uu geysan karo Webiga Shabelle oo ay ka feejignaadaan.

Inta badan marka uu webiga Shabelle fatahaad geysto waxa uu naafeyn iyo khasaaro culus gaarsiiyaa Beeraleyda oo dallagooda biyaha ay baabi’iyaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA