DHAGEYSO: Wiilka Uu dhalay Fanaanka Axmed Mooge Oo Cunsuriyad Lagu Bilaabay

0

Shir Jaraa’id uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa ayuu Xildhibaanka Golaha Deegaanka kusoo baxay C/kiriin Axmed Mooge waxa uu kaga fal celiyey eed loo soo jeediyey oo aheyd inuu abaabulayo dibad baxyo ka dhan Ah Xukuumada Soomaaliland.

Mooge ayaa warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah sheegeyna inuu usharaxan yahay himiladiisana weli ka go’an Xilka Maayarka Magaalada Hargeysa.

Waxa uu sheegay Mooge inay mar kasta ku dedaalayaan isaga iyo taageerayaashiisa sidii ay uga shaqeyn lahaayeen Sugida Amniga Soomaaliland oo biyo kama dhibcaan ku sheegay.

C/kiriin oo ah wiil uu dhalay Fanaankii caanka ahaa AUN Axmed Mooge Liibaan ayaa waxa uu xilka uu helay doorashadii dhacay golaha Deegaanka waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu hadal heynta badnaa kadib guushii uu gaaray.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA