DHAGEYSO: Weerarkii xarunta gobolka banaadir & Tuhuno kasoo baxay

0

Iyadoo aysan jirin cid loo xiray weerarkii shalay ka dhacay xarunta gobolka banaadir,ayaa hadana waxaa soo baxaya tuhuno ku aadan in la fududeeyey weerarkaasi.

Goobta la weeraray oo ah meel amnigeeda aad loo adkeeyo ayna adag tahay in qof la aqoon tego ayaa la rumeysan yahay in shaarka dawladda iyadoo la isticmaalayey kooxda al shabaab loo fududeeyey.

Dad meesha ka dhawaa waxay sheegeen inay arkeen kooxda weerarka soo qaaday oo iska dhigay ciidamada dawladda islamarkaana ay wateen dareeska meliteriga lagu yaqaano.

Gudoomiyihii hore ee degmada Heliwaa Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan xiriir ka dhaxeyn kara saraakiisha qaar amniga iyo al shabaab.

Waxa uu cumar jacfaan soo jeediyey in la baaro qaabkii loo fududeeyey in argagaxisada ay weerar ku qaadaan xarunta maamulka Gobolka Banaadir shalay oo axad aheyd.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA