Home WARARKA Dhageyso: Wasiir Cawad oo si deg deg ah uga hadlay Shaqo Joojinta...

Dhageyso: Wasiir Cawad oo si deg deg ah uga hadlay Shaqo Joojinta lagu sameeyey Ku Xigeenkiisa

0
SHARE

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi bixiyey goordhaweyd waxa uu kaga hadlay Wareegtadii Shaqada Looga joojiyey Wasiir kuxigeenka Arimaha Dibada Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Waxa uu Cawad sheegay in Shaqada joojinta ay tahay inta la baarayo Tuhunka soo galay Wasiir Mahad Balse aysan dhibaato kale jirin,qeynuun ahaana uu yahay mid la maro sidaan oo kale.

Wareysigaan ayuu ku celiyey Axmed Ciise Cawad in Amarka Shaqo Joojinta uu leeyahay RW Xasan Cali Kheyre cid kadaba hadli kartana ma jirto.

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa Dacwad kusoo oogay Wasiirkaan Shaqada laga joojiyey kuwaasi oo kiiskiisa baaris kuwada,lamana oga in Xasaanada laga qaaday lagu soo celin doono iyo in kale.

Wasiirka oo la weydiiyey in ilaa Sabtidii markii Kiiskaan soo shaac baxay Shaqadii Wasaarada ay ku yeelatay Saameyn ayuu tilmaamay inaysan waxba saameyn ku yeelan howshana ay caadi usocoto sida uu Cawad hadalka u dhigay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE