DHAGEYSO: Wasiir Beyle Oo loo diiday Ka Qeyb galka Shirka Ka Socda Garowe

0

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay heerka kala duwan ee laga soo maray deyn Cafinta Soomaaliya Dalalka Caalamka ku leh.

Deymaha Soomaaliya ayaa seddex weji oo ka mid ah Xujadii la hor dhigay ay Dawlada Federaalka kusoo guuleysatay Qeybtii Afaraadna ay hadda ku jirto.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu sheegay inay guulo ballaaran soo hooyeen.

Wasiirka waxa uu sheegay in Dalka ugu badan Ee deymaha ku leh Soomaaliya uu yahay Mareykanka islamarkaana Lacag dhan Hal Bilyan Oo Dollar uu leeyahay,balse Shir ka dhacay bisha Febraayo Seddex Bil kadib Dalkaasi Deymaha lagu cafin doono.

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa is qab qabsiga udhaxeeya Dawlada Federaalka iyo Puntland awgeed kaga baaqday Shir Wasiirada Maaliyada dawlad gobolleedyada iyo Gudiga Maaliyada Golaha Aqalka sare ku leeyihiin Garowe.

Warar ayaa sheegaya inay Puntland diiday wasiirka Maaliyada federaalka inuu yimaado Garowe,xilli loo arko in uu ka mid yahay wasiirka Saaxiibada ugu saameynta badan Dawlada Hadda jirta.

Culeyska Siyaaadeed Ee Puntland iyo Dawlada Dhexe ayaana sabab ka dhigtay inuu tegi waayo Wasiir Beyle Shirkaasi oo muhiim aheyd inuu xaadiro maadaama Wasiirkii Dhaqaalaha Dalka uu yahay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA