DHAGEYSO: Ugaaska Xawaadle Oo Arimo Culus Banaanka Soo Dhigay

0

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Oo ah mid ka mid ah Ugaasyada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka hadlay arin maalmahaan dambe la hadal hayey.

Ugaaska Xawaadle waxa uu sheegay inaysan hor istaag ku sameyn ciidan Dawlada Soomaaliya ka daabuli laheyd B/weyne.

Waxa uu sheegay in uu taleefoonka kula soo hadlay Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga weydiiyana sababta ay u hor istaageen ciidanka balse uu sheegay inaysan ciidan diidin.

Ugaas Xasan ayaa cod dheer ku sheegay in Ciyaal macawiisyo wata ay diideen in la daabulo oo aan hub iyo saanad midna wadan,isagoo sheegay dhanka kale inay dreemayaan duulaan lagu soo yahay Hiiraan.

Waxa uu madaxda dalka ugu sareysa ka dalbaday inay ka dulqaadaan Culeyska kasoo fuulay Dhuuso mareeb,ayna taas hadii ay dhici weyso ay weji kale yeelan karto.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA