Gudoomiyaha Maamulka Gobolka banaadira Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) & Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa Boqolaal Qof Kula Hadlay Banaanka Ex Fiyoore.

Banaanbaxayaasha Bajaajka Muqdisho ayaa la sheegay in ay Labadii Qof Ee La dilay uqaadeen Madaxtooyada Balse Ciidamada Amniga ay is hortaageen.

Intaas kadib waxaa lasoo sheegay in Taliye Bashiir Ameeriko iyo Duqa Muqdisho ay La Kulmeen Banaanbaxayaasha.

Labada Mas’uul ayaa buuq badan kadib waxay ku qanciyeen Dibad baxayaasha inay Kacdoonka dejiyaan Askarigii Dilka geystayna lasoo qabanayo.

Iskusoo wada duub baxayaasha waxay isku dayeen inay handadaan Mas’uuliyiinta oo ay ku buuqeen,balse xaalku ay caadi kusoo laabatay lana is fahmay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA TALIYAHA IYO DUQA XAMAR

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.