DHAGEYSO: Siyaasada Cakiran Ee Kismaayo & Caawa Wararkii Udambeeyey

0

Wararkii Ugu dambeeyey Ee Siyaasada Kismaayo iyo Jubbaland ka jirta waxaan idin kusoo koobeynaa kulamadii dhacay maanta iyo sida xaalku yahay.

Kismaayo waxaa maanta gaaray Xildhibaano katirsan Labada Aqal Ee Dalka,kuwaas oo badankood ah Mucaaradka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Sidoo kale Xildhibaanada Jubbaland Ayaa kulankoodii ugu horeeyey Maanta yeeshay,iyadoo isbarasho uu ahaa kulanka maadaama 73 Qaar hore iyo kuwo cusub iskugu jireen.

Wafdi ka socday IGAD ayaa maanta Kismaayo gaaray,iyadoo sidoo kale berri oo Khamiis ah Danjire James Swan Wakiilka Qaramada Midoobeey Ee Soomaaliya Kismaayo uu tegi doono.

Xildhibaanadii Mucaaradka ayaa maanta lagu dhaariyey Kismaayo iyadoo Gudoomiye si kumeel gaar ah ugu doorteen Xildhibaan Baarlamaankii wakhtiga ka dhamaaday soo ahaa Oo Maxmed Buule Dhaay lagu magacaabo.

Sidaas oo kale Gudiga Doorashada Jubbaland waxay sheegeen in Sabtida Gudoonka Baarlamaanka la dooranayo halka Isniinta la sheegayo in Madaxweynaha Cusub lasoo dooranayo.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN FAAH FAAHSAN