DHAGEYSO: Sir laga helay Khilaafka General Odawaa & Taliyaha AMISOM

0

Khilaaf xoog leh ayaa lasoo sheegayaa inuu soo kala dhex galay saraakiisha sare ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa kuwa AMISOM taas oo keentay inuu wiiqmo howl-galladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday gobollada dalka si gaar ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa VOA ayaa soo bandhigay in khilaafkaas uu qarxay markii ciidanka xoogga dalka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Sida uu barnaamijkaan u sheegay sarkaal katirsan militeriga Soomaaliya oo ku sugan Shabeellaha Dhexe khilaafkan waxa uu qarxay markii ay ciidanka xoogga Soomaaliya ay bilaabeen howlgal aan lagu war-gelin AMISOM, kaas oo uu hoggaaminayey Taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA OO DHAMEYSTIRAN