DHAGEYSO: Sir la Helay Ciidan lasoo Geliyey Muqdisho+Ujeedka

0

Isagoo Khudbad ka jeedinayey maanta Imaam C/llaahi Khaliif Rooble shirkii Beelaha Hawiye ee Muqdisho ayuu ka sheegay arimo qarsoonaa.

Waxa uu sheegay Imaamku inay ka war hayaan ciidan Dawladu Habeen madoow Kasoo dejineyso Caasimada oo arimo gaar ah la damacsan yahay.

Si maldahan ayuu ugu eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu dan doorasho sidii xukunka kusoo laaban lahaa udoonayo ayna Hawiye oo koonfur deegaanadeeda ubadan laga qadiyey Dawladnimadii sida uu warka udhigay.

Imaam C/llaahi Khaliif Rooble ayaa sheegay in ay og yihiin in doorashada la rabo muddo kororsi balse ay arimo badan oo hadda lagu guda jiro ay ka war hayaan ayna ka hor dhici doonin.

Waxa uu wax laga xumaado ku sheegay in jagadii Ra’iisal wasaare ee dalka oo hawiye Laheyd weli la magacaabin iyadoo kii hore ujoogay la tuuray.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA