Home WARARKA DHAGEYSO: Sidii Maanta Xilka Looga Qaaday Cali Gacal Casir & Warar La...

DHAGEYSO: Sidii Maanta Xilka Looga Qaaday Cali Gacal Casir & Warar La Ogeyn

0
SHARE

Xildhibaanada Galmudug qaarkood oo kulan maanta ku yeeshay Magaalada Dhuuso mareeb ayaa looga qaaday Xilka sida ay sheegeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Dhawaan ayaa waxa Xildhibaanada Galmudug oo tiradooda lagu sheegay 89 Mudane oo saxiixay Mooshinkaasi,maalmihii loo ballamay inuu isku difaaco Gacal ayaana lasoo gaabiyey,iyadoo hore loo siiyey 10 Cisho inuu soo xaadiro balse Labo Cisho kadib Codkii Kalsoonida ayuu waayey.

Xildhibaanada Galmudug ayaa badankood waxa la sheegay inaysan aheyn kuwo Dhuuso mareeb kusugan balse Siyaasad Cajiib ah ayaa la dheelayaa oo Mas’uuliyiinta Sar sare Ee Galmudug ay is hayaan.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad Ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo shir gudoon ahaa kulankii maanta dhuuso mareeb ka qabsoomay waxa uu ka hadlay Natiijada Codka Kalsoonida laqaaday.

Waxa uu sheegay in 147 Xildhibaan oo kulanka joogay midkood uu diiday halka inta kasoo hartay oo ah 146 Xildhibaan ay Codka Kalsoonida udiideen Cali Gacal Casir,sidaana xilka looga qaaday.

Xareed Cali Xareed waxa inta uu hadlayey laga dhex maqlayaa Codkiisa Buuq meesha ka jiray islamarkaana shaaca ka dhigay in gudi doorashada soo qaban qaabiya Kursiga Gacal Laga ceeriyey ay soo gudbin doonaan dhawaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA:

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE