Waxaa Maanta Barqadii Koox Hubeysan ay dil ka geysteen Degmada Hodan Ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxa fuliyey Dableey Gaari watay kuwaas oo rasaas ooda kaga qaaday Sargaal katirsanaa ciidanka Booliska oo lagu magacaabi jiray Cali Canshuur xilli uu kusugnaa Xaafada Barmuudo Ee Degmada Hodan.

Dilka kadib ayey Dableyda ka baxsadeen meesha,waxaana lasoo sheegayaa in meydka laga qaaday daqiiqado kadib halkaasi.

Sargaalka la dilay waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha booliska Ee Ka shaqeenayey Degmada Hodan Ee Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Dilkaas iyagoo sheegay in ay Sargaalka ay dileen Bistoolad uu watay ay ka qaateen kooxdii dilka geystay.

Laamaha amniga ayaa waxay sheegeen inay Nabad gelyada sugayaan xilli dilalka qorsheysan ay magaalada kusoo badanayeen maalmihii dambe.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.