DHAGEYSO: Senetorkii uhoreeyey La doortay oo weerar afka ah ku qaaday MD Farmaajo

0

Senetor Ilyaas Badel Gaboose oo ah Xildhibaankii ugu horeeyey Aqalka Sare Soomaaliya maanta la doortay ayaa waxa uu ka mahad celiyey Xildhibaanadii Jubbaland ee codkooda siiyey.

Wareysi kooban oo looga qaaday hoolka doorashada ka dhacday ayuu Senetor Gaboose sheegay in qadiyada Jubbaland uu difaaci doono.

Si cad ayuu usheegay xaqa ay Jubbaland dhinaca federaalka ku leedahay ay soo dhicin doonaan,taas oo muujisey weerar afka ah uu ku qaaday Madaxweynaha Muddo xilleedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilyaas Gaboose ayaa ka mid ah shakhsiyaadka taageerada ka heystay Axmed Madoobe waana uu ku guuleystay kursigii uu raadinayey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA