Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu kulan kula qaatay Magaalada Washington Madax Katirsan Hay’ada gar gaarka uqaabilsan Dawlada Mareykanka Ee USAID.

Waxa la sheegay in kulankaasi ahaa mid looga hadlayey sidii loo sii hormarin lahaa Wada shaqeynta iyo xiriirka ka dhaxeeya dawlada Soomaaliya & Hay’ada USAID.

Wasiirka Koobaad Ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu umahad celiyey madaxda uu la shiray ayna isku afgarteen in lasii laba jibaaro Caawinaada Dawlada Mareykanka Siiso Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya Dhinaca Gar gaarka.

Maxamed Cabdi Cusmaan oo ka mid ah Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Ku wehlinaya Magaalada Washington ayaa waxa uu ka hadlay Qorshaha ay iskula meel dhigeen Kulankii dhexmaray Madaxda Hay’ada USAID.

Maalmihii dambe Ra’iisal Wasaare Kheyre waxa uu waday Kulamo kala duwan Oo Madax Hay’ado Mareykanka ah kula yeelanayey Magaalada Washington.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.