Home WARARKA DHAGEYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Sir U Qarsaneyd Isaga & Farmaajo Shaaciyey...

DHAGEYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Sir U Qarsaneyd Isaga & Farmaajo Shaaciyey Isagoo Yiri Waa In….

0
SHARE

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay ka dhabeynta Qorshe isaga iyo Madaxweyne Farmaajo Wadaan taas oo lagu baabi’inayo Habka Wax qeybsiga Beelaha Soomaaliyeed Ee Afar beel iyo barka ah.

Nidaamka 4.5 ayaa waxa ku dhisan Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada sidaa awgeed iyadoo laga duulayo Qaranimo dhab ah iyo isku qiimeyn ku aadan Qofka Kartida uu uleeyahay Shaqada loo dhiibayo ayuu sheegay Xasan Cali Kheye inay ku saleynayaan Qorshaha hadda geba gabada ku dhaw.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu ka hadlay Doorka Ciidamada Qalabka Sida iyo sida ay Dawlada uga warqabto isagoo xusay inay jiraan Tiro koob ciidan iyo Bixinta Mushaarkooda oo Si Akoon ah loogu diro.

Ra’iisal Wasaare Kheyre waxa uu shaaca ka dhigay inay ku dedaalaan mar kasta sidii loo siin lahaa xaqooda Ciidamada Qaranka.

Hadalkaan ayuu Mudane Xasan Cali Kheyre ka sheegay Shir uu Kismaayo kula qaatay Dhalinyarada Magaaladaasi ku dhaqan oo Doorkooda Siyaasadeed iyo Yoolka ay hiigsanayaan kala hadlayey,xilli uu ka codsaday dhalintii uu la kulmay inay Dawladnimada Hanaqaaday ka qeyb qaataan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE