Shirkaan oo ahaa mid deg deg ah oo ay iskugu yimaadeen Laamaha Amniga Puntland ayaa Maanta waxa uu ka qabsoomay Madaxtooyada Magaalada Garowe.

Kulanka waxaa shir gudoominayey Kusimaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne kuxigeenka Axmed Cusmaan Karaash,waxaana looga hadlayey Xaaladihii ugu dambeeyey Deegaanada Maamulkaasi.

Qodobada ugu saameynta badnaa Ee Shirka lagu soo hadal qaaday waxaa ay aheyd Kufsiga kusii kordhayey Deegaanada Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR  Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil ayaa sheegay Shirka kadib mar uu saxaafada la hadlay in la isku raacay gudi loo saaro baaritaan kusameeya Kufsiga iyo cida ka dambeysa.

Bishii Febraayo Ee Sanadkaan ayaa dhacdadii ugu foosha Xumeyd ay ka dhacday Magaalada gaalkacyo Taas oo aheyd Gabadh 12 jir aheyd inta la kufsaday kadibna la dilay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.