DHAGEYSO: Maxaa Kasoo Kordhay Jahwareerka Siyaasadeed Ee Ka Jiray Kismaayo?

0

Magaalada Kismaayo ayaa hadal heynta ugu badan ilaa xalay waxay aheyd ku dhawaaqida Liis Xildhibaano oo siyaabo kala duwan loo shaaciyey.

Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha Jubbaland ayaa waxay abaare 10-kii Habeenimo shaaciyeen Liiska Xildhibaano ka kooban 73 Xubnood,inkastoo 75 la rabay tirade oo labo dib loo dhigay sabab aan la shaacin.

Waxa kasoo muuqday Liiskaasi Xildhibaanada lasoo bandhigay dhalinyaro Deegaanka laga yaqaano iyo Xubno Siyaasada kusoo jiray.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada J/Land Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka dhigay marxaladihii lasoo maray iyo ugu dambeyn Wakiilada Cusub ay ku dhawaaqeen Baarlamaanka 2aad Ee Jubbaland.

Liiskaasi markii la shaaciyey waxaa iyaguna Liis kale Xildhibaano ku dhawaaqay Saaka Oo Talaado Ah Gudiga Doorashada ay sameeyeen Murashaxiinta la baxay Isbadel doonka Jubbaland.

Waxay ku dhawaaqeen Liis 75 xubnood ay ku sheegeen inay Baarlamaanka 2aad Ee Jubbaland ka mid noqonayaan.

Dhanka kale Murashax Madaxweynaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Shakuul ayaa mar uu la hadlay VOA SOMALI waxa uu sheegay in ay kasoo horjeedo Hanaanka loo maray Soo xulida Xildhibaanada Cusub iyadoo uu Shakuul ka mid yahay Xubnaha la baxay Isbadel doonka Jubbaland.

Hadaba Dawlada Soomaaliya ayaa laga dhur sugayaa warka ay kasoo saarto Xildhibaanada siyaabaha kala duwan loo magacaabay Kismaayo Xalay iyo Saaka kuwaasi oo lagu sheegay inay Baarlamaanka 2aad Ee Jubbaland ka mid noqonayaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA