DHAGEYSO: Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Oo Kashifay Qorshaha Norway

0

Aqoonyahan Maxamed Axmed Caalim oo ah Madaxweynihii hore Ee Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay Qorshaha Dawlada Norway ka damacsan tahay Soomaaliya.

Waxa uu kusugan yahay Aqoonyahankani Dalka Finland waxa uu soo bandhigay in Wafdiga Ay hogaamineysay Wasiirka Khaarajiga Dalka Norway Ee Muqdisho yimid ay doonayeen isku keenida Kenya iyo Soomaaliya.

Caalim waxa uu sheegay in galaan gal weyn ku leedahay Norway labada Dal Ee Kenya iyo Soomaaliya,sidaa awgeedna ay xal ka gaari karto Arimaha hadda la isku hayo.

Inkastoo la sheego inay Norway tahay mid Kenya la safan hadana kulankii R/wasaare kheyre iyo Kuxigeenkiisa Mahdi Guuleed ay la yeelatay Shalay isniintii waxa uu abuuray Shaki kale.

Waxa uu Aqoonyahan Caalim sheegay in ay dad badan saadaalin karaan in ay dhabarka ka jebiso dacwada Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya isku hayaan,waxaana Norway ay ka digtay Dagaalka Siyaasadeed Ee Labada Dawladood uu sababi karo inay Ururka Al Shabaab ka faa’iideystaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA