Home WARARKA DHAGEYSO: Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Max’ud Sayid Aadan Oo Sheegay In La Damiyo...

DHAGEYSO: Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Max’ud Sayid Aadan Oo Sheegay In La Damiyo Taleefoonada Si Loo Helo…

0
SHARE

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu kusugan yahay maalmahaan dambe Deegaano katirsan Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay kawada qeyb qaadashada Dhisida Maamul wanaag islamarkaana ay ka maamul ahaan madaxdooda diyaar u yihiin inay dhageystaan Cabashada Dadka ay ka qabaan adeegyada aysan helin.

Qaar ka mid ah Bulshada ku dhaqan Magaalada Garbahaareey oo la kulmay Mudane Maxamuud Sayid Aadan waxay soo bandhigeen Baahiyaha ay qabaan iyo Jubbaland inaysan sidii laga filayey Reer Gedo ugu hagar bixin.

Madaxweyne kuxigeenka waxa uu hoosta ka xariiqay in si dhaw Cabashadooda udhageysan doonaan oo wax laga qaban doono,isagoo taas badelkeeda codsaday in laga qeyb qaato Xoreynta Deegaanada Gedo ay ka joogaan Shabaab.

Maanta oo isniin ah waxaa lagu wadaa in Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdiga la socda ay gaaraan Degmada Buur dhuubo Ee Isla gobolka Gedo Bulshada Deegaankaasina uu la shiri doono.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE