DHAGEYSO: Madaxtooyada Jubbaland Oo War Kasoo Saartay Arimaha Doorashada

0

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Kismaayo ayaa waxa uu ka hadlay tartankii Adkaa ee lasoo galay.

Waxa uu sheegay inay ka mahad celinayaan howshii culuseyd ee soo qabteen Odayaasha dhaqanka Ee Xildhibaanada soo xulay iyo Gudigii shaqada soo hayey.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa wax lagu dedaalay ku sheegay in hanaankaasi uu soo gaaro doorashadana ka rajeeyey inay ku dhacdo sida ugu macquulsan.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in Jubbaland ay sameysay hormar ayna si dimoqraadiyad ah muujisey inay Doorasho uqabato.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA