Home WARARKA DHAGEYSO: Maamulka HirShabelle Oo Qorshe U Degay Koox Isku Xiran Hubna Heysta...

DHAGEYSO: Maamulka HirShabelle Oo Qorshe U Degay Koox Isku Xiran Hubna Heysta Kadibna Shaaciyey In…

0
SHARE

Maamulka HirShabelle ayaa waxa uu qorsheynayaa sidii uu ciidan ugu qoran lahaayeen Maleeshiyaadka Macawiisleyda loo yaqaan Ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Deegaano katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa ka aas aasmay Maleeshiyaadkani kuwaas oo la magac baxay macawiisleey,dhowr marna ay dagaal la galeen Xarakada Al Shabaab.

Wasiirka Amniga HirShabelle C/qaadir Aadan Jeelle ayaa sheegay inay ciidan ka dhigayaan Mushaarna ay siin doonaan Maleeshiyaadkaan Macawiisleyda.

Hadalkaan ayuu Wasiir Jeelle ka sheegay Deegaanka Shamiindo oo Duleedka Jowhar dhacda islamarkaana ay kula kulmeen Qab qablayaasha Hormuudka u ah Maleeshiyadani Macawiisleyda loo yaqaano.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE