DHAGEYSO: Maamulka Gobolka Galgaduud Oo Beeniyey Arin Saameyn Abuurtay

0

Sida muuqata Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa isku khilaafay Arinta kusaabsan in laga saaro dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed Deegaanadaasi qaarkood.

Amarkaan ayaa Nabad sugida kasoo baxay sida lasoo wariyey taasi oo ay Amartay Dadka deegaanadaasi kasoo jeeda ay deg deg uga baxaan Guriceel iyo dhuuso mareeb.

HALKAAN RIIX SI AAD XOG KALE U ARAGTO

Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug ayaa noqday kuwo Afka iyo Dhegahooda aan is maqlin,khilaaf inuu ka dhex jirana soo banaan bixisey Qadiyadaan.

Taliyaha Booliska Gobolka Gal gaduud C/wahaab Yuusuf Direed ayaa Warbaahinta uxaqiijiyey inaysan jirin wax la yiraahdo Amar dadkaasi loo jeediyey.

Waxa uu been cad ku sheegay in kulan uu dhexmaray dadka kasoo jeeda K/Galbeed Ee Gobolka jooga isagoo difaacay inay yihiin kuwo xor ah oo Deegaanka si caadi ah kaga shaqeysan kara.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA