Maamulka Garoonka Kismaayo Oo War Cusub Soo Saaray

0

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa waxay ka hadleen warar la isla dhexmarayey oo ahaa in la joojiyey shirkado diyaaradeed oo shaqada laga hor istaagay.

Maareeyaha Buubaay dageenka Kismaayo ayaa saxaafada usheegay inay waxba kama jiraan tahay in Shirkado la xanibay oo duulimaad ka sameeya Magaaladaasi.

Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa waxa uu sameeyey hormar ballaaran muddooyinkii lasoo dhaafay,iyadoo qalab casri ah lagu xiray.

Maareeyaha waxa uu sheegay inay wada shaqeyn fiican ka dhaxeyso Shirkada Duulimaad Ee Kismaayo yimaada ayna jirin wararka suuqa ku jiray maalmahaan dambe.

Hay’ada Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa waxay dhawaan xanibaad dadban ah kusoo rogtay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo Duulimayada usocda ama ka imaanaya lagu qasbay inay Muqdisho yimaadaan.