DHAGEYSO: Labo Caqabad oo Ahlu suna ugu horeyso oo heysata Shacabka Galmudug

0

Labadii sano ee la soo dhaafay Maamulka Galmudug wuxuu ku jiraa Xaalad siyaasadeed oo aad u liidata, kadib khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne Xaaf iyo dowladda federaalka,hayeeshee ay haatan u muuqato xoogaa isku-soo dhawaansho ah wallow weli sidii la rabay aysan jirin.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si aad ah isha ugu haya xaaladda iyo waxa ka socda Galmudug oo ay fara gelin toos ah ku heyso Villa Soomaaliya.

Siyaasiyiin badan ayaa qaarkood aaminsan in weli uusan dhamaan khilaafkii ka taagnaa deegaanada Galmudug iyo in Beelaha qaar ee Reer Galmudug ay weli cabasho qabaan.

Siyaasiga Cali zeko oo ka mid ah Siyaasiyinta kasoo jeeda Maamulkaas ayaa qaba in caqabada Koowaad ee Maamulka Galmudug ay yihiin Ahlusunna oo awood xoogan ku leh deegaanada Galmudug,kuwaas oo haatan heshiis la galay Dowladda Federaalka.

Xildhibaanada laga soo doorto deegaanada Galmudug ayaa intooda badan ku sugan magaalada Cadaado halkaasi oo ay ka socda kulamo ay leeyihiin R/wasaare Kheyre.Waxgaradka iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in waqti dheer ay qaadaneyso isku soo dhoweynta Shacabka Galmudug iyo iney la tacaalaan rabitaanka Dowladda Federaalka gaar ahaan Villa Soomaaliya.