Diyaarado dagaal ayaa waxay maanta duqeyn ka geysteen Gobolka Bari,iyadoo lasoo sheegayo in khasaaro ka dhashay Duqeyntaasi.

Wareysi uu Caawa siiyey Idaacada VOA SOMALI Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan ayuu ku faah faahiyey sida uu weerarkaasi u dhacay.

Wasiirka waxa uu sheegay inay Xaqiijiyeen Kuxigeenkii Madaxa Kooxda Daacish Ee Soomaaliya C/xakiin Dhuqubeed oo lagu dilay Weerarkaasi.

Gaari nuuca raaxada ah uu watay C/xakiin iyo nin la socday ayaa la sheegay in gantaal haleelay xilli ay marayeen Duleedka Degmada Isku shuban Ee Gobolka Bari.

Faah faahin badan lagama hayo ninka kale ee la dhintay Dhuqubeed,waxaana Puntland ay sheegtay in Sargaalka la dilay uu dhabar jab ku yahay Awoodii sii liidaneysay Ee Kooxda Daacishta Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.