Home WARARKA DHAGEYSO: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Shirkii Ugandha Oo Ku Hal Qabsaday Madaxweyne Kuxigeenka...

DHAGEYSO: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Shirkii Ugandha Oo Ku Hal Qabsaday Madaxweyne Kuxigeenka Kenya Isagoo Yiri…

0
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa waxa uu khudbad Qayim aheyd ka jeediyey Shirkii ka dhacay Magaalada Kampala Ee Dalka Ugandha,isagoo ka hadlay Arimo kala duwan.

Mudane Farmaajo oo xiritaanka Shirka ka hadlayey waxa uu sheegay in Hormarka africa ay ugu muhiimsan tahay isku duubni iyo in la raadiyo Xuquuqda Dadkeeda ka maqan oo hablaha iyo dhalinyarada ugu horeeyaan.

Mudada uu hadlayey ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu soo hal qabsanayey Madaxdii ka horeysay Ee Khudbadaha jeediyey,islamarkaana uu ku taageeray Qodobada qaar ay soo jeediyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu sidoo kale ka hadlay yoolka Africa inay hiigsato la doonayo iyo sida Hogaamiyeyaashooda uga sii jeedaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mid ahaa Labo Madaxweyne Dal oo keliya oo shirka Africa Now Xaadiray xilli Madaxweyne Kuxigeeno Ay Kenya iyo Tanzania dirsadeen iyo Waddamo kaleba.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE